Dagaalo khasaare dhaliyey oo ka dhacay waqooyiga Buuhoodle

1 November, 2024

Dagaalo aad u culus oo hubka waaweyn loo isticmaaley ayaa tan iyo maanta oo Jimce ah…

Dagaalo aad u culus oo hubka waaweyn loo isticmaaley ayaa tan iyo maanta oo Jimce ah ka socdey deegaanka Galgal oo ku dhaw Qorilugud oo dhanka Buuhoodle ka xigta dhanka Waqooyi fogaansho dhan 40km.

Dagaalkan oo ku bilowdey mid u dhexeeya malayshiyo beeled ayaa markii danbe waxaa soo wada galay Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Xoghayaha Warfaafinta mamaulka SSC ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabteen maxaabiis, si wanaagsana la isaga celiyey ciidamada Somaliland.

Dhanka kale war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu yiri: “Kooxaha huwanta bari ee ku sugan Laascaanood ayaa soo weeraray shacabka Qorilugud iyo ciidamada qaranka, laakiin weerarkaas waa lagu jebiyey ayaa lagu yiri warbixinta”

Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ugu yaraan 10 qof oo dhinacyada dagaalamaayey ayaa ku dhintey, waxaana ku dhaawacmey dad ku dhaw 15 qof sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Halka ay dirirtu ka dhacayso ayaa horey sidaan oo kale loogu diriray, waxaana ugu badan waxa uu salka ku hayaa waa lahaanshaha deegaanka iyo colaadii Laascaanood oo aan weli laga heshiin.

Horseed Media