Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii madaafiicda ahaa ee subaxnimadii…
Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii madaafiicda ahaa ee subaxnimadii Axadda lagu weeraray xerada Xalane, taas oo sababtey dhimasho iyo dhaawac.
War saxaafadeed ATMIS soo saartey ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa mid wuxuushnimo ah, kaas oo hawlaha ay u joogaan oo u taagan yihiin leexleexad ka gelin doonin.
“Weerarkan waxashnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya inaan raadino nabad waarta iyo amni ka dhalata Soomaaliya, waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo inaan dhisno Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika. Guddiga (SRCC) iyo madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.
Iyada oo weerarkan Dowaldda Soomaaliya ka hadlin tacsina ka dirin ayaa war saxaafadeedka ATMIS lagu xaqiijiyey in ay sababtey dhimasho waxaana tacsi loo direy dadkii waxyeeladu ka soo gaartey.
ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dadkii ku dhintay, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa kuwii ku dhaawacmay weerarka, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Horseed Media ayaa saakey tebisey in saddex qof ku dhaawacmeen weerarka. Xogtu waxay sheegaysaa in qaar ka mid ah dadkii dhaawacmey ay dhinteen, kuwaas oo ahaa ajaanibta ka shaqeeya xarunta Xalane.
Weerarkan waxaa isla saakey sheegtey argagixisada al-Shabaab, waxaana la aaminsan yahay in laga soo tuurey isla magaalada Muqdisho.
HORSEED MEDIA