Madaxa Gaashaanbuurta NATO Mark Rutte ayaa sheegay Khamiista inuu damacsan yahay inuu si wadajir ah ula shaqeeyo hogaamiyaha Mareykanka ee soo laabanaya Donald Trump si looga hortago “isbeddellada cusub ee khatarta ah” ee gelitaanka ciidamada Kuuriyada Waqooyiga ee dagaalka Ruushka ee Ukraine.
“Waxa aan aragno waxay xaqiijineysaa in Kuuriyada Waqooyi, Iran, Shiinaha, iyo dabcan Ruushku ay si wadajir ah u shaqeynayaan, oo ka wada shaqeynayaan ka soo horjeeda Ukraine,” Rutte ayaa u sheegay saxafiyiinta shirkii hoggaamiyeyaasha Yurub ee Budapest.
“Tani waa khatar aad iyo aad u weyn, maaha oo kaliya qaybta Yurub ee NATO, laakiin sidoo kale Maraykanka – sababtoo ah Ruushku wuxuu gaarsiinayaa tignoolajiyada ugu dambeeyay Kuuriyada Waqooyi ,” ayuu ka digay Rutte.
“Waxaan rajeynayaa inaan la fariisto Donald Trump si aan uga wada hadalno sidii aan si wadajir ah u wajihi karno hanjabaadahan,” ayuu yiri Rutte.
Iyadoo lagu salaynayo xogo sir ah, quwadaha reer galbeedka ayaa hadda aaminsan in Pyongyang ay ku dhawaad 10,000 oo askari u dirtay Ruushka, taasoo soo jeedinaysa in si qoto dheer looga qayb qaato dagaalka.
HORSEED MEDIA