EU: “Yurub waa inay Aayaheeda u tashato”, kadib doorashadii Trump

7 November, 2024

Yurub waa in ay noqotaa mid u madax banaan “masiirkeeda,” kana tashataa aayaheeda ayuu yiri madaxweynaha…

Yurub waa in ay noqotaa mid u madax banaan “masiirkeeda,” kana tashataa aayaheeda ayuu yiri madaxweynaha golaha Midowga Yurub isagoo ka jawaabaya guushii Donald Trump ee doorashadii Mareykanka.

“Waa inaan noqonaa kuwo u madaxbanaan inay aayahooda ka tashadaan, ma ahan inaan isku xirno Donald Trump ama Kamala Harris, laakiin waa inaan ka fekernaa caruurteena. Tani waa mas’uuliyaddayada inaan go’aanno gaarno oo aan cidna ku tashan,” Charles Michel ayaa u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan shirka madaxda Yurub ee ka socda magaalada Budapest, caasimadda Hungary.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Yurub ay tahay in ay wax badan ka qabato si ay u xoojiso suuqooda & dhaqaalahooda iyo kor u qaadida “awoodooda difaaca.”

Michel ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee siinayaan Ukraine.

HORSEED MEDIA