Koox falastiiniyiin ah oo xulafo la ah Xamaas ayaa siidaayay muuqaal cusub Jimcihii ee la haystaha reer Israel Sasha Trupanov, oo lagu haysto Gaza tan iyo weerarkii Oktoobar 2023.
Trupanov, oo ay qaraabadiisu ku aqoonsadeen muuqaalkii hore oo la sii daayay Arbacadii, ayaa ka codsaday, hogaamiyaha xisbiga Shas oo xubin ka ah isbahaysiga maamulka Israel, inuu ka caawiyo sii deynta isaga iyo la haystayaasha kale ee lagu haysto Gaza.
Xisbiga Shas oo ah asal-raaca Yuhuuda waxa uu taageersan yahay heshiis lagu sii daayo dadka laga heysto iyo wax kasta oo suurtagal ah si loo sii daayo maxaabiista.
Bishii Sebtembar, xisbiga Shas waxa uu sheegay, soo celinta la haystayaasha inay tahay “waajib muqadas ah.”
Trupanov oo 29 jir ah, ayaa heysta laba dhalasho ee Ruush iyo Israa’iil, waxaa laga soo afduubay tuulada Nir Oz kibbutz oo u dhow xadka Gaza.
Hooyadiis iyo ayeeyadiis oo sidoo kale la afduubay ayaa la sii daayay intii lagu jiray xabad joojintii toddobaadka socotay ee Noofambar 2023. Aabihii, Vitaly, ayaa lagu dilay weerarkii Oktoobar 2023.
Waa muuqaalkii afaraad ee Trupanov oo ay sii daysay Islamic Jihad.
Horseed Media