Hannaanka doorashada Somaliland oo si nabad ah ku dhacay Arbacadii shalay, ayaa natiijadii hordhaca ah ee…
Hannaanka doorashada Somaliland oo si nabad ah ku dhacay Arbacadii shalay, ayaa natiijadii hordhaca ah ee ka soo baxday doorashadii madaxtooyada Somaliland waxay muujinaysaa in murrashaxa mucaaradka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo ka tirsan xisbiga Waddani uu si mug leh uga horeeyo madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi Cabdi.
Ku dhawaad 75% codadka la tiriyay, taas oo u dhiganta ilaa 70% goobaha cod bixinta ee dalka oo dhan oo ay ku jirto caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu helay 285,000 cod (63.84%), halka madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi Cabdi uu helay 158,000 cod (35.4%). Musharaxa saddexaad ee Faysal Cali Waraabe ee Xisbiga UCID waxa uu helay 3,000 oo cod (0.7%).
Doorashadu waxay markhaati ka ahayd tirada dadka u soo baxay inay ka hooseeyaan sidii la filayey, iyadoo kaliya 680,000 oo cod ay dhiibteen 1.2 milyan oo codbixiyeyaal ah. In kasta oo si dhexdhexaad ah looga qaybqaatay, haddana saraakiisha doorashadu waxa ay ku warrameen in hawshu ay nabad Iyo eganaansho ku hacdey.
Guddiga doorashada ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah muddo todobo maalmood gudahooda ah oo ka bilaabaneysa maalinta doorashada. Tirinta hadda socota ayaa muujinaysa in Cabdiraxmaan Cirro uu si joogto ah u haysto 127,000 oo cod.
Tartanka barbar socda ee ururada siyaasadeed, natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya:
Xisbiga Waddani oo helay 124,384 cod
KAAH waxay heshay 67,020 cod
Xisbiga KULMIYE oo helay 65,597 cod
Horseed 49,705 cod
Hillaac 28,107 cod
Waxaa muqata in ururka KAAH uu beddeli doono UCID oo doorashadan ku saaqiday oo an helin wax codad ah.
Doorashadani waxay muujisay isbedel weyn oo dhinaca siyaasadda ah ee Somaliland, iyadoo ay ku tartamayeen Musharixiina daxweynaha ee saddexda xisbi qaran (Waddani, Kulmiye, UCID) iyo toddoba urur siyaasadeed oo cusub oo kala ah: Barwaaqo, Talo Wadaag, Rajo, Shacabka, Kaah, Hillaac, iyo Horseed, waxaana hadda soo baxay KAAH, doorashada ururada siyaasadda e Somaliland waxaa la qabtaa 10 sanno mar, waxaa u danbeysey 2012.
HORSEED MEDIA