Madaxweynihii hore ee Brazil Bolsonaro oo lagu eedeeyey afgambi

27 November, 2024

Booliiska Brazil ayaa soo bandhigay cadeymo dheeri ah oo muujinaya in madaxweynihii hore Jair Bolsonaro uu qorsheeyay afgambi si uu xukunka u sii hayo.

Jair Bolsonaro iyo 36 qof oo kale ayaa lagu eedeeyay inay qorsheynayeen afgambi looga dan lahaa in Bolsonaro lagu sii hayo xukunka ka dib doorashadiisii ​​2022-ka.

Warbixin dheer oo ka kooban 900 oo bog oo hadda la daabacay, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Bolsonaro uu wax ka ogaa dil qorsheysan oo loo geysan lahaa madaxweyniha dhowaan la doortay ee Lula da Silva.

Warbixintu waxay qoreysaa siddeed caddaymo oo waaweyn. Mid ka mid ah qodobada ayaa ah in Bolsonaro la sheegay in uu kulan la qaatay saddex taliye oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Brazil si uu u soo bandhigo qorshihiisa uu ku joojinayo natiijada doorashada.

Taliyayaashii ciidamada iyo kuwa ciidanka cirka ayaa diiday. Taliyihii hore ee ciidamada badda, Almir Garnier, ayaa taageeray qorshahan, sida lagu sheegay warbixinta booliska. Waa mid ka mid ah dadka lagu eedeeyay dambiyada baaritaanka.

Warbixintu waxa ay sheegtay in afgambiga la qorsheeyay in uu dhici kari waayay iyada oo ay uga mahad celinayaan taliyaha ugu sarreeya ee ciidanka oo mucaaraday Bolsonaro.

Wadahadallo dhanka taleefoonka ah oo lala yeeshay dadka ku lugta lahaa qorshaha afgambiga iyo kulamadii ka dhacay guriga madaxweynaha, booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay heleen cadeymo muujinaya in Bolsonaro uu ka warqabay qorshayaasha lagu dilayo Lula da Silva iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Geraldo Alckmin.

Bolsonaro “wuxuu qorsheeyey, u dhaqmey oo si toos ah uga warqabay falalka ururka dambiilayaasha iyadoo ujeedadu tahay fulinta afgambi iyo baabi’inta nidaamka dimuqraadiga ah ee sharciga,” ayaa lagu yiri Dukumiintiga, sida laga soo xigtay AP.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga iyo Wasiirkii Cadaalada ayaa kamid ah dadka lagu eedeeyay dambiyada.

Jair Bolsonaro ayaa beeniyay eedeymaha. Waxaa warbixinta lagu wareejiyay maxkamada sare. Xeer Ilaaliyaha Guud waa inuu go’aansadaa inuu si rasmi ah u dacweynayo Bolsonaro ama uu xiro baaritaanka.