Wadadan oo isku xiri doonta magaalada iyo Kuliyadda Booliska ayaa dhererkeedu yahay 2km
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo arbaca ah dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta barxada magaalada Carmo iyo kuliyada tababarka Ciidanka Booliska , wadadan oo laami laga dhigayo ayaa dhererkeedu yahay 2km.
Qoraal ka soo baxay xafiiska adaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in wadada lagu dhisaayo qorshaha Dowladda ee ah isku-tashiga.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire , Goleyaasha Dowladda, Maamulka degmada , Guddiga horumarinta degmada, Shirkadda dhisaysa ee Midnimo volunteer group iyo qaar ka mid ah bulshada degmada Carmo.
Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadkan ku sugnaa degmada Carmo halkaas oo u joogo abaabulka dagaal ka dhan ah ururka argagixisada ee Daacish ee ku sugan buuraha Cal Miskood.
HORSEED MEDIA