Published: November 16, 2024
by: Ali. Y
Maamulka Jubaland ayaa ka mar kale dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay inay ku tumanayso sharciga, iyadoo jabinaysa dastuurka, qawaaniinta iyo xeerarka u yaalla dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland ayaa looga hadlay xeerarka doorashooyinka Qaranka kasoo maanta wadajir u ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Jubaland ayaa sheegtay inay qayb ka ahayn kana ahaan doonin xeerarka doorashooyinka Federaalka, waxayna ku tilmaamtay inuu yahay xeer sharci-darro ah oo aan heshiis lagu ahayn.
Horseed Media