Xasan Sheekh oo hambalyo u direy Madaxweynaha la doortey ee Somaliland

19 November, 2024

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in uu si dhow ula socday doorashada Somaliland ay shacabku codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahamka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

Shacabka Somaliland iyo madaxda la doortey waxay aaminsan yihiin in ay yihiin dal ka madaxbanaan Soomaaliya oo xornimadiisi la soo noqdey, waxay leeyihiin calan gaar ah Iyo lacag gaar ah, taas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsan yahay in ay isaga hoostaan.

Horseed Media