Sareeyo Guuto Asad Cismaan oo qalab casri ah kala wareegay dowladda Japan

22 November, 2024

Qalabka lagu baaro isla markaana qayb ka noqda furfuridda miinooyinka ayaa dowaldda Japan ugu deeqdey ciidanka Booliska Soomaaliya

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dowladda Japan ka guddoomay qalab casri ah oo loogu tala galay ciidanka Booliska, gaar ahaan qeybta miino baarista.

Qalabkan waxaa ka mid ah Robot iyo dharka miinada laga gashto, Kumbuyuutaro robotka la shaqeynaaya iyo qalab kale.

Qalabka miino baarista iyo furfuridda miinada ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta iyo sare u qaadista ka hortagga miinooyinka, waxaana madasha qalabkaan lagu wareejinaayay sidoo kale goob joog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan agabkaan ay ugu deeqday ciidanka Boliiska, gaar ahaan qeybta Miino Baarista, isagoona xusay in qalabkaan uu yahay mid qayb ka qaadanaya sugidda nabadgelyada.

“Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha Horumarinta iyo sare uqaadista awoodda ka hortagga waxyaabaha qarxa, iyadoo booliska ay tababareen Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Miino Baarista ee (UNMAS)” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Horseed Media