Ceerigaabo oo bandow lagu soo rogey kadib shaqaaqo halkaas ka dhacdey

26 November, 2024

Shaqaaqada ka dhacdey magaalada Ceerigaabo ee gobo;ka Sanaag ayaa sababtey dhimashada ilaa saddex qof oo rayid ah

Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag waxaa maanta oo Salaasa ah ka dhacay shaqaaqo sababtey dhimasho iyo dhaawac kadib markii malayshiyo abaabulan ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah saldhiyada Booliska Ceerigaabo kuwaas oo daba socdey dad laga xirey shaqaaqadii hore magaalada uga dhacdey.

Inta la og yahay saddex qof ayaa ku dhimatey qaar kalena waa ku dhaawacmeen rasaasta maanta ka dhacdey Ceerigaabo sida ay sheegeen kalkaaliyaal caafimaad oo ka hawlgala isbitaalka magaalada. Dadka dhintey qof kamid ah waa dumar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin oo saxaafadda la hadley ayaa amar ku bixiyey in laamaha amniguna soo qabtaan kuwii dadka laayey. Maxamed Kaain ayaa amrey in magaalada lagu soo rogo BANDOW ka bilaamaya caawa si xaaladdu aysan faraha uga bixin.

Waa markii labaad ee shaqaaqo caynkan oo kale ah ay ka dhacdo Ceerigaabo. Rabshadahan cusub ee ka dilaacay Ceerigaabo ayaa ku soo beegmaya wax yar kadib markii Somaliland loo doortey Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo taageerayaashiisu ku xooggan yihiin magaalada.

Ceerigaabo ayaa ah magaalo nabad lagu wada degay kadib dagaaladii sokeeye 1991, waxaana wada deggan beelaha Isaaqa iyo Hariga, kuwaas oo hadda shaqaaqadan u dhaxayso.

HORSEED MEDIA