Golaha Wasiirada ayaa ansxiyey Guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha oo ka kooban 18 xubnood
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo habeenkii labaad yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Guddigan ayaa ka kooban 18 xubnood ayaa la sheegay in ay masuul ka noqon doonaan doorashooyinka dalka ka dhacaaya oo dhan.
Shirka habeenka caawa ah ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumaddiisu ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa.
Guddiga doorashooyinka waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu waaweyn ee khilaafku ka taagan yahay, kaas oo horey ay Puntland uga baxdey shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka, sidoo kale dhawaan Jubaland ayaa uga baxdey shirkii u danbeeyey iyada oo qabsatey doorasho dadban.
Guddigan ayaa noqonaya kii saddexaad ee la magacaabo 14-kii sano ee u danbeeyey kuwaas oo la kala diray iyaga oo aan wax shaqo ah qaban.
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin:
- Cabdikariim Axmed Xassan
- Saadiq Abshir Garaad
- Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
- Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
- Cumar Abuukar Cumar
- Farxiyo Maxamed Yusuf
- Dr. Cumar Jamac Maxamed
- Faarax Cabdi Xasan
- Sahro Diiriye Muuse
- Cabdullahi Salaad Yaroow
- Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
- Cabdi Cadow Maxamed
- Cabdishakuur Abiib Haayir
- Khaalid Ibrahim Ismaaciil
- Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
- Naasir Maxamed Shire
- Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
- Maxamed Cumar Ismaciil