Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Axadii sheegay in ganacsadaha reer Lubnaan Massad Boulos uu noqon doono la taliyihiisa sare ee arrimaha Carabta iyo Bariga Dhexe.
Trump waxa uu bartiisa bulshada ku sheegay in Massad, oo sidoo kale soddog u ah inantiisa Tiffany, uu yahay qareen iyo hoggaamiye aad looga ixtiraamo ganacsiga adduunka, khibrad dheerna u leh masraxa caalamiga ah.
“Waxa uu muddo dheer taageere u ahaa qiyamka Jamhuuriga, muxaafidka,iyo Ololahayga, wuxuuna qayb ka ahaa dhisidda isbahaysi cusub oo baaxad leh oo lala yeesho jaaliyadda Carabta Maraykanka,” ayuu raaciyay.
“Massad waa ganacsade, waana taageere aan kala go ‘lahayn oo nabada Bariga Dhexe, wuxuu noqon doonaa mid aad ugu dooda Maraykanka iyo danihiisa, waanan ku faraxsanahay inuu kamid yahay kooxdayada!” ayuu qoray.
Sabtidii, Trump wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay inuu u magacaabay Charles Kushner, ganacsade caan ah oo kasoo jeeda New Jersey, inuu noqdo safiirka Faransiiska. Kushner waa aabaha Jared Kushner, oo ah wiil uu soddog u yahay Trump oo la taliye sare u soo noqday xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa.
Horseed Media