Kadib markii Soomaalya ku guuleysatey in laga cafiyo deyn gaareysa $5 bilyan, ayaa heshiiska Paris Club dhigaayey in dalkasta goonidsiisa heshiis deyn cafin ah ula galo Soomaaliya
Soomaaliya ayaa saxiixdey heshiis deyn cafis ah oo ay la gashay Faransiiska oo dhan $145.6 milyan oo dollar, taasoo muujineysa horumar kale oo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada soo kabashada dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa heshiiskan la saxeexday Safiirka Faransiiska Arnaud Suquet.
Bishii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay gaartay heshiisyo muuqda oo deymo cafis ah oo ay la gashay saaxiibada muhiimka ah ee caalamiga ah, oo uu ku jiro Mareykanka, oo heysta qeybta ugu badan ee deynta dalka, iyo sidoo kale Japan iyo Denmark.
Cafinta deynta ayaa timid ka dib markii ay Soomaaliya si guul leh u soo gabagabeysay geeddi-socodkii dalalka deymaha badan leh ee 2023-ka iyo heshiiska Paris Club ee 2024. Horumarradan ayaa la filayaa inay keenaan dabacsanaan maaliyadeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u dhiska qaranka.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Iman Cige ayaa u mahadceliyey dowladda Faransiiska, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda istiraatijiyadeed ee iskaashigan caalamiga ah ee soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya. Heshiisku waxa uu tilmaamayaa hagaajinta maamulka dhaqaalaha iyo dib u soo cusboonaashaha la macaamilka bulshada dhaqaalaha adduunka.
Iyadoo Soomaaliya ay sii waddo dib u dhiska kaabayaasheeda dhaqaale, heshiisyadan deyn cafinta waxay ka dhigan yihiin tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday xasillooni maaliyadeed iyo horumar waara.