Cabdikariin Axmed Xasan oo ka mid ah qurbe joogta Soomaaliyeed ayaa loo doortey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha
Guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka ayaa maanta oo isniin ah iska dhex doortay gudoomooyahda guddiga iyo xku-gieenkiisa iyada oo doorashadu ahayd gacantaag.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa loo doortay Cabdikariin Axmed Xasan, waxaana gacan taag ugu codeeyey 17 xubnood. Ninkan ayaa ahaa horey loo ogaa in isaga loo wado xilkaas, waxaana uu ka mid ahaa xubnaha ku dhaw Madaxweynaha.
“Waxaan ballan qaadaynaa in gabar kasta iyo wiil kasta iyo qofkasta oo Soomaaliyeed meelkasta uu joogo aan sanduukha codeynta u geyno, daacad ayey naga tahay waana madaxbanaan nahay, ayuu yiri Cabdikariim guddoomiyaha cusub.
Saadaq Abshir Garaad ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha. Saadi ayaa muddo dheer ka tirsanaa golaha Wakiilada ee Puntland.
Guddoomiyaha cusub Cabdikariim waxa uu ka mid yahay qurba joogta Soomaaliyeed, waxaana uu muddo ku noolaa dalka Maraykanka.
Guddigan iyo shuruucda lagu dhisay waxaa ka maqan oo diidan Dowladaha Jubaland iyo Puntland kuwaas oo aan wax talo ah ku lahayn dhismihiisa, horey ayeyna u diideen dhamaan shruruucda doorashooyinka.
HORSEED MEDIA