Bashaar al-Asad oo soo saaray war-murtiyeedkii ugu horeeyay tan iyo markii uu ka baxsaday Suuriya

4 hours ago

Warka al-Assad, oo uu sii daayay kanaalka Telegram-ka ee madaxtooyada Suuriya, ayuu ku sheegay in dowladdu ay ku dhacday ‘gacmaha argagixisada’.

Hadalkii u horeeyay ee uu jeediyay Bashaar Al-Asad tan iyo markii uu ka tagay dalka Suuriya, madaxweynaha xilka laga tuuray ee Suuriya ayaa difaacay xukunkiisa, wuxuuna beeniyay inuu horey usii qorsheynayay inuu baxsado, xiligii dagaalyahanada mucaaradka ay kusoo dhawaadeen magaalada Dimishiq horraantii bishan.

War qoraal ah oo lagu sheegay inuu qoray al-Asad oo laga sii daayay kanaalka Telegramka ee madaxtooyada Suuriya Isniintii ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan sida iyo sababta uu madaxweynihii hore uga cararay Suuriya.

“Marka hore, ka bixitaankeyga Suuriya ma ahayn mid qorsheysan mana dhicin saacadihii ugu dambeeyay ee dagaallada, sida qaar ay sheegeen,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Taas lidkeeda, waxaan ku haray Dimishiq, anigoo gudanaya waajibaadkeyga ilaa subaxnimaddii Axadda, Diseembar 8, 2024.”

Warku wuxuu intaa ku daray in markii dagaalyahannada fallaagada, oo Al-Asad uu ku tilmaamay “xoogagga argagixisada”, ay soo galeen caasimadda, uu u guuray saldhigga Ruushka ee magaalada xeebta ah ee Latakia si uu “u kormeero hawlgallada dagaalka”.

Balse sida lagu sheegay bayaanka, saldhiga ayaa la kulmay weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalyahanada hubeysan

“Iyadoo aysan jirin hab macquul ah oo looga baxo saldhigga, Moscow waxay codsatay in taliska saldhigga uu diyaariyo daadgureynta degdegga ah ee Ruushka fiidkii Axadda 8 December,” ayuu yiri.

Hadalka si madax banaan looma xaqiijin. Al-Asad ayaan wax muuqaal ah kasoo muuqan warbaahinta tan iyo markii uu Ruushka magangalyo ka helay qoyskiisa.

Horseed Media