Hoggaamiyaha Suuriya oo codsadey in cunno-qabatyenta laga qaado dalkiisa

5 hours ago

Hogaamiyaha dhabta ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in dalkiisu uu ka daalay dagaal, isla markaana aanu khatar ku ahayn dalalka deriska la ah iyo reer Galbeedka.

Wareysi uu siiyay BBC-da, Axmed al-Sharaa, oo horay loo oran jiray Abu Mohammed al-Julani, waxa uu caalamka ka codsaday in ay dib u eegaan cunaqabateynta dhaqaale ee ka dhanka ah Suuriya, lagana saaro shaambada argagixisada kooxdiisa Hayat Tahrir al-Sham (HTS).

Wareysiga ayuu Axmed Al-Sharaa ku sheegay in Suuriya ay daalan tahay sannado badan oo dagaal ah, isla markaana aysan hadda khatar ku ahayn dalalka deriska la ah. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in HTS aysan waligood weerarin dadka rayidka ah, waxaana uu kooxda ku sifeeyaa dhibanayaal xadgudubyada nidaamkii Asad, ee aysan ahayn argagixiso.

Hadda, wax kasta oo dhacay ka dib, waa in cunaqabataynta la qaado, sababtoo ah waxay ujeedadoodu ahayd nidaamkii hore. Dhibbanaha iyo kan daalimka ah yaan isku si loola dhaqmin ayuu yiri.

Wuxu diiday in uu doonayo in uu Suuriya ka dhigo nooc Afqaanistaan ​ oo kale ah.

Hoggaamiye Sharaa waxa uu sheegay in wadamadu ay aad u kala duwan yihiin oo dhanka dhaqamada iyo fikirka ku kala duwan yihiin. Afgaanistaan ​​waxay ahayd bulsho qabiil gundhigoodu yahay. Suuriya, ayuu yiri, waxaa jiray fikrad ka duwan taas.

Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay waxbarashada haweenka.

“Waxaan jaamacado ku lahayn Idlib in ka badan sideed sano” ayuu yiri Sharaa, isagoo ka hadlayay gobolka waqooyi-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan fallaagada tan iyo 2011-kii.

“Waxay ila tahay in 60% ardeyda jaamacadaha Idlib ay yihiin haween”

Mar la waydiiyay in la ogol yahay oggolaanshaha cabista khamriga dadka doonaaya, Sharaa waxa uu yiri: “Waxaa jira waxyaabo badan oo aanan xaq u lahayn in aan ka hadlo sababtoo ah waa arrimo sharci.”

Waxa uu intaa ku daray in ay jiri doonaan guddi sharci oo Suuriyaan ah oo qoraya dastuur, iyaga ayaa go’aan ka gaari doona. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi ku daray “Cid kasta oo madax ah ama Madaxweyne ah, waa inaad sharciga raacdaa.

HORSEED MEDIA