Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay heshiisyada is-afgaradka (MOUs) ee ay maanta kala saxiixdeen dalalka Soomaaliya iyo Tanzaaniya.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay heshiisyada Soomaaliya iyo Tanzaaniya in uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, sida iskaashiga xasiloonida gobolka, difaaca iyo amniga, is-dhaafsiga aqoonta, arrimaha caafimaadka iyo dalxiiska.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay inuu xiriir fog oo wada shaqayn ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Tanzaaniya, gaar ahaan madaxweynayaashii hore Julius Nyerere iyo Aadan Cabdulle Cismaan, wuxuuna tilmaamay inay heshiisyadani sii amba-qaadi doonaan iskaashiga dhinacyo kala duwan oo muhiim u ah labada dal.
“Xiriirka Soomaaliya iyo Tansaaniya ma ahan oo kaliya mid diblomaasiyadeed, waa walaaltinimo qoto dheer oo ku dhisan is-ixtiraam iyo u adeegidda danta guud, Waxaan haysanaa fursad taariikhi ah oo aan ku dhisi karno tusaale cusub oo iskaashi ah oo bariga Afrika ka hana qaada.” ayuu yiri; Wasiir Fiqi.
Horseed Media