Dominique Pelicot ayaa lagu helay dambi ah inuu kufsaday xaaskiisii hore, Gisele, iyo fududaynta kufsigeeda oo ay geysteen dad aanay garanayn oo ka badan 51 nin.
Dominique Pelicot ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambiga kufsiga daran ee uu u geystay xaaskiisii hore ee Gisele oo uu u ogolaaday rag kale in ay kufsadaan iyada oo suuxsan, kadib markii uu si joogto ah u siin jirey daroogada hurdada, kufsiga ayaa socdey 2011 ilaa 2020.
Dhammaan 51 nin oo dacwad lagu soo oogay ayaa lagu helay dambiyo, 47 kufsi ah, labo isku day kufsi iyo labo xadgudub galmo. Raggan ayaa isugu jira, Injineero, Dabdamiyaal, Dareewalo, Suxufiyiin, Askar, Waardiyaal iyo Muusishan.
Gisele Pelicot ayaa dalbatay in isbedel lagu sameeyo qaabka uu Faransiisku u arko kufsiga, taas oo lagu tilmaamo in ciqabtiisu ay tahay mid fudud.
Waxaa jiray dambiyo goosgoos ah oo lagu soo oogay eedeysanayaal gaar ah, sida hal nin oo lagu helay faraxumayn balse aan kufsi ahayn iyo hal nin oo lagu soo oogay in uu lahaa sawirada caruur la faraxumaynayo.
Saxafiyiinta maxkamada ku sugnaa oo aan la oggoleyn sawirada ayaa sheegay in caruurta Gisele Pelicot ay u muuqdeen kuwo aan ku faraxsanayn xukunka gaaban ee eedaysanayaasha lagu xukumey.
Marka laga reebo Dominique Pelicot, inta badan xukunadu waxay ahaayeen dhawr sano oo ka yar intii ay xeer ilaalintu waydiisanayeen.
Mid kamid ah eedaysanayaasha oo lagu magacaabo Jean-Pierre Marechal, oo 63 jir ah, ayaa lagu helay dambiga kufsiga iyo isku dayga kufsiga ee xaaskiisa. Baarayaasha ayaa sheegay in Marechal uu tababare u ahaa Dominique Pelicot waxaana uu ka codsadey in xaaskiisa u daroogeeyo. Marechal sidaas ayuu sameeyay in ka badan shan sano, wuxuuna ku casuumay Dominique Pelicot inuu soo booqdo iyaga oo uu sidaas oo kale sameeyo.
Dacwaddan ayaa maanta qabsatey warbaahinta caalamka, waxaana la yaab noqotey in nin xaaskiisa hurdo ku rido kadibna u keeno niman aysan garanayn, isla markaana muuqaalo ka duubo.
Gisele Pelicot, oo 72 jir ah, waxa ay la kulantay ninkeeda iyada oo da’yar, waxa ay is guursadeen 1973. Waxay isu dhaleen saddex caruur ah. Waxa ay is fureen muddo kooban horraantii 2000-meeyadii sababo dhaqaale dartood, balse way sii wada noolaayeen oo dib ayey isu guursadeen dhawr sano ka dib.
HORSEED MEDIA