Xasan Sheekh oo daahfuray “Mega projects” Muqdishada cusub.

3 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay in dalka laga hirgelin doono “Mega projects” wax uu ugu yeeray, kuwaas oo maanta la daahfuray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha mashruuc loogu yeeray Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho oo laga hirgalindoono dhul u dhexeeya Muqdisho iyo Balcad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qorshahani uu yahay bilow cusub oo muujinaya aragtida fog ee dadka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda, kuwaasi oo saldhig u ah horumarka iyo isbeddalka dhaqaalaha.

“Qorshahani waa iskutashi Qaran oo wakhti kooban nooga daba geynaya ummadihii na dhaafay. Dowladda Soomaaliyeed, waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo walba oo fududeyneysa guuleysiga mashruucan oo ay ka dhalandoonaan fursado iyo shaqooyin badan oo aan hadda jirin”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in mashruucan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku maal-gelin doono deyn cusub oo uu ka qaado IMF, World bank iyo dalalka kale ee daymaha bixiya, kadib markii Soomaaliya loo oggoladey in ay deyn cusub qaadan karto, kuwii hore laga cafiyey.

Munaasabadda Daah-furka Hindisaha Qaran ee Muqdishada cusub, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka caalamka u jooga dalkeenna iyo ganacsato Soomaaliyeed.

HORSEED MEDIA