Shirkii Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland oo War Laga Soo Saaray

3 hours ago

Shirkan oo ay isugu yimaadeen guddoomiyaasha 36 degmo oo ka tirsan Puntland ayaa looga hadley baahinta mamaulka iyo dowlad wanaagsan.

Waxaa maanta lagu soo gebagebeeyey magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland shir iyo tababar saddex maalmood u socdey guddoomiyaasha degmooyinka Puntland, wasaaradda arrimaha gudaha, dowladda Puntland ayaa sheegtay in shirku si guul ah ku soo gabo-gabeysmay.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa tababarid iyo wada-xaajood dhex-mara wasaaradaha iyo dowladaha hoose ee Puntland waxaa looga wadda hadley arrimaha maamul baahinta gaar ahaan baahinta awoodda maaliyadda “fiscal decentralisation”, adeeg bixinta, isla-xisaabtanka iyo awoodsiinta dowladaha hoose.

Xiritaankii shirka waxaa ka soo baxay war uriyeed uu akhriyey agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cali Faarax

Waxaana ka mid ahaa qodobada ka soo baxay:

  1. In la daadejiyo adeegyada aasaasiga ah, lana xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta degmooyinka iyo wasaaradaha adeegga bixiya.
  2. In la xoojiyo wada shaqaynta degmooyinka iyo wasaaradaha dowladda dhexe.
  3. Waxaa la isla qaatay in la sameeyo santuukha horumarinta degmooyinka Puntland.
  4. In la dardargeliyo kicinta cashuuraha heer degmo, lana dedejiyo dhamaystirka iyo is-waafajinta shuruucda la xiriira cashuuraha Dowladaha Hoose gaarka u leeyihiin.
  5. In beesha caalamka iyo dawladduba ay tix-gelin gaar ah siiyaan xoojinta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee degmooyinka ay doorashooyinku ka dheceen si ay u noqoto wax Soomaalidu hiigsato.
  6. In la dhowro deegaanka iyadoo laga waantoobayo jaridda dhirta, laynta ugaarta iyo xaalufinta halakeeyey deegaankeena.
  7. In aan la magaalayn karin, lana oodan karin dhul cusub oo aan ruqsad looga haysan wasaaradda arrimaha gudaha iyo ciddii kale ee ay khusayso.
  8. In la dedejiyo dib u eegista iyo sixidda xeerarka iyo siyaasadaha lagu dhaqo dowladaha hoose ee Puntland.
  9. In laga wada-shaqeeyo adkaynta amniga iyo isku-xirka bulshada degmooyinka Puntland.
  10. Waxaa la isla qaatay in la qabto shir sanadle ah oo u dhaxeeya degmooyinka iyo wasaaradaha dowladda dhexe ee Puntland, kaas oo ay soo qaban-qaabiso wasaaradda arrimaha gudaha DPL.
  11. Ugu dambayntii shirku wuxuu u mahadcelinayaa ka soo qaybgalayaashii kala duwanaa oo ay ugu horeeyaan wasaaradaha kala duwan ee Dowladda dhexe, xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, guddoomiyaasha degmooyinka iyo hay’adda Kaalo.