Safarka Raysalwasaare Xamse ayaa yimid kadib markii uu casumaad ka helay Lafatagareen
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo, oo horey loo sii diyaariyey.
Ujeedada safarka raysalwasaaraha ayaa la xiriirta kadib markii uu casumaad ka helay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuna casumey xafladda 6 sano guuradii ka soo wareegtey maalintii la doortey.
Laftagareen ayaa la doortey Dec, 19 2018, waxaana lagu doortey muddo 4 sanno ah laakiin waxa uu caawa u dabaaldegayaa 6 sano kadib markii Dowaldda Feeraalku muddo kordhin u samaysey laba jeer kana hortimid in doorasho la qabto sanadkii 2022.
Waa safarkii u horeeyey ee raysalwasare Xamse muqdisho uga baxo tan iyo dhibaatadii ka soo gaartey Raaskaambooni, sidoo kale waa safarkii labaad ee uu baydhabo ku tago muddo saddex bilood ah gudahood.
HORSEED MEDIA