Ruushka oo qirtey in ay sabab u ahaayeen burburka diyaaraddii Azerbaijan

2 days ago

Kremlin-ka ayaa sheegtay in hubka difaaca cirka ee Ruushka uu shaqeynaayey markii diyaarad ay leedahay shirkadda Azerbaijan Airlines ay isku dayday inay ku degto Grozny

ilham Aliyev iyo Vladimir Putin

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa raalli-gelin siiyay dhiggiisa Azerbaijan, Ilham Aliyev, kadib markii uu ku tilmaamay shilka diyaaradeed ee Azerbaijan Airlines inuu ahaa “musiibo murugo leh.”. Diyaaradda Embraer ayaa ku burburtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Aktau ee Kazakhstan, taasoo sababtay dhimashada 38 qof, halka 29 kalena ay ka badbaadeen.

Bayaanka Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu ka xun yahay in shilkan uu ka dhacay hawada Ruushka, isagoo xusay in waqtigaas ay ciidamada difaaca hawada Ruushka ka jawaabayeen weeraro ay sameynayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine oo ku wajahnaa magaalooyinka Grozny, Mozdok, iyo Vladikavkaz.

Madaxweyne Aliyev ayaa sheegay in diyaaradda ay la kulantay “hub dibadda uga yimid” oo keentay in gebi ahaanba la waayo xakamaynta, isagoo tilmaamay in daloolo badan oo ku yaal diyaaradda, dhaawacyada rakaabka iyo shaqaalaha, iyo markhaatiyada badbaadayaasha ay cadeynayaan in diyaaradda walax ku dhacdey.

Dhanka kale, madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas, ayaa ku baaqday in baaritaan madax-bannaan oo degdeg ah lagu sameeyo dhacdadan, iyadoo xustay in wararka sheegaya in gantaal Ruushku leeyahay uu sababay shilka ay xusuusinayaan dhacdadii MH17 ee 2014.

Shilkan ayaa keenay walaac iyo murugo ballaaran, iyadoo dalal kala duwan ay tacsi u direen qoysaska iyo ehelada dhibbanayaasha.

HORSEED MEDIA