Diyaaradda Air Arabia ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa bilowday duulimaadyo toos ah oo isku xiraya Boosaaso iyo Shaariqa. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo qayb ka ah horumarinta dhaqaalaha iyo isku xirka caalamiga ah ee Puntland.
Duulimaadka cusub ee Air Arabia ayaa la filayaa inuu si gaar ah ugu fududeeyo bulshada Puntland safarka tooska ah ee isku xira Boosaaso iyo Shaariqa. Waxaa la filayaa in mashruucan uu dhiirrigeliyo horumarinta ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah ee Puntland.
Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qayb-galay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Baarri Shire, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullahi Bille Nuur, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Isimo, maamulka Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, ganacsato, iyo wakiillo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mudane Cabdullahi Bille Nuur oo isna hadal kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in daah-furka duulimaadka diyaaradda Air Arabia uu yahay guul weyn oo ka dhalatay dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Duulista Puntland ku bixisay horumarinta kaabeyaasha garoomada iyo kor u qaadidda xiriirka caalamiga ah ee Puntland.
“Duulimaadkan tooska ah wuxuu kaalin mug leh ka qaadan doonaa fududeynta socdaalka iyo kobcinta dhaqaalaha Puntland. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullahi Bille Nuur.
Madaxweyne Ku-xigeenka Shirkadda Terminals Holding, Maxamed Alebri, oo isna hadal ka jeediyey xafladda ayaa si weyn u boggaadiyey iskaashiga Puntland iyo Imaaraadka Carabta, isaga oo tilmaamay in duulimaadkan uu yahay mid si toos ah uga jawaabaya baahiyaha bulshada Puntland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo socdaalka.
Diyaaradda Air Arabia ayaa horey muddo dheer duulimaad joogto ah Somaliland uga samayn jirtay, waxayna hadda ticket-yada duulimaadkeeda bixida iyo soo noqodka ee gudaha Puntland ku daahfurtay wax ka yar 6oo oo doollar, jadwalka safarkeeduna waa maalin kasta 0o talaado ah.
Horseed Media