Aadan Farax oo loo magacaabey Raysalwasaare ku-xigeenka Itoobiya

Published: April 2, 2024

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax oo ah siyaasi ka soo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida u magacaabay xilka raysal wasaare kuxigeenka dowladda Itoobiya.

Warkan oo kasoo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegaya in magacaabista Aadan Faarax ee darajada Raysal Wasaare ku xigeen loogu cusboonaysiiyay masuuliyadiisii shaqo.

Shir ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis baba oo uu hoggaaminayay reysal wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa kasoo qayb galay axsaabta siyaasadeed oo ay Soomaalida Itoobiya kamid yihiin.

Abiy Ahmed ayaa gunaanadka shirka waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Aadan Faarax uu u magacaabay kuxeenkiisa.

Aadan Faarax waa siyaasi Soomaali-Itoobiyaan ah, isla markaana siyaasadda dalkaasi in badan kusoo dhex jiray, isaga oo lasoo shaqeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo hoggaanka ugu sareeya dowlad deegaanka soo qabtay.

Waxa uu mar soo ahaa afhayeenka baarlamanka fedraalka ah ee Itoobiya isaga oo markaas beddelay Keria Ibraahim sanadkii 2020-kii, waxa uuna sidoo ahaa kuxigeenka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida intii u dhaxaysay 2018-kii ilaa 2020-kii.

Inta uusan isbedelku dhicin ee dowladdi hore, waxa uu sidoo kale soo ahaa wasiirka howlaha guud iyo dhismaha magaaloyinka, waxaa kale oo uu soo noqday barasaabka noqday magaalada Diri dhaba.

HORSEEDMEDIA