Aas Qaran oo loo sameeyay caruurtii ku dhimatay duqayntii Yeman.

Published: August 14, 2018

Kumaan shacabka reer yaman ah ayaa ka qayb galay aas qaran oo loo sameeya 40 caruur ah oo khamiistii lasoo dhaafay ku dhimatay duqayn ay fuliyeen xulafada uu hogaaminayo sucuudiga kuwaas oo dagaal kula jira xuutiyeenta la dagaalanta yaman, Deegaanka Saada oo dhaca waqooyiga yaman oo ay xuutiyiintu gacanta ku hayaan ayuu ka dhacay aas wadareedka, waxaana caruurta lagu duubay kafan cad , maydadka ayaana lagu galbiyay baabuur lagu dhajiyay astaamaha kooxaha xuutiyiinta.

Dhanka kale waxaa dhacay mudaharaad looga soo horjeedo xulafada uu hogaamiyo Sacuudigu, maamulka deegaankuna waxa ay sheegeen in duqayntaan ay galaafatay dhimashada in ka badan 51 qof oo 40 ka mid ah ay caruur yihiin, caruurtaas ayay sheegeen in da`adoodu u dhaxayso 10 ilaa 13 sano jir.

Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta ayaa waxay sheegeen falka inuu yahay “Dambi ay carruurta Yemen u geysteen Mareykanka iyo Xulafadiisa, sidoo kale Isbahaysiga ayaa weerarkooda waxay ku tilmaameen “mid sharci ah”, haddana waxay sheegeen inuu weerarkooda uu “waxyeello aad u badan uu heystay”, Qaramada midoobay waxay codsatay in baaristaan madax banana lagu sameeyo falkaas lagu laayay caruurta.

 

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *