Qaramada Midoobay iyo Xukuumada Abiy Ahmed ee Itoobiya ayaa arbacadii shalay gaaray heshiis loogu fasaxayo hay’adaha gargaarka inay tagaan deegaanada ay dagaalada ka dhaceen ee ismaamulka Tigrayga.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/12/AbiyAhmed-1080x720.jpg)
Go’aankan Abiy Ahmed ayaa yimid kadib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka in la qaado xayiraada Xukuumada Federaalka Itoobiya ay duldhigtay gobalka Tigray-ga oo ay dagaalada ka socdeen tan iyo bilowgii bishii hore ee November.
Waxaa go’an dhamaan isgaarsiinta deegaankaasi, iyadoo ay weli jiraan dad u dhashay Qawmiyada Tigrayga oo ka qaxaya deegaanada ay sheegatay xukuumada Abiy Ahmed inay xoreysay.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/12/Qaxootiga-Tigrayga.jpg)
Qaxootiga Tigrayga ee hada ku sugan xaduuda dalka Sudan ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 46-kun qof sida lagu sheegay warbixintii ugu danbeysay ee Salaasadii kasoo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay.
Maxamed Cismaan
Horseed Media