Abwaan Badal Oo Lagu Dilay Muqdisho

Published: April 18, 2022

Abwaan Badal Jaamac Xersi Laangare, oo ka tirsanaa bahda suugaanyahanada ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir

Wararka waxa ay sheegayaan in Abwaanka xiliga la tooganayay uu ka soo baxay masjid ku yaala xaafadda Gomoshleey ee degmada Kaxda, halkaas uu ku soo tukadau salaadii Maqrib, waxaana la toogtau isagoo wali aan afurin sida dadka deeganka ay inoo sheegeen.

Alle ha u naxariistee abwaan Badal ayaa ahaa dadka sida weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho, waxay walaalo  ahaayeen Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacanta midig ee Fahad Yaasiin.

Ilaa iyo hadda laamaha amaanku wax war ah kama soo saarin dilka abwaanka oo dhacay salaadii maqrib kadib.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *