Published: August 9, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/08/Talibanka-Kunduz-090821-1-1.jpg)
Xoogaga hubeysan ee Talibanka dalka Afghaanistaan ayaa la wareegay gacan ku heynta sadex magaalo madax ee gobalada-waqooyiga Afghanistan.
Talibanka ayaa weeraro ay wadeen sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay kula wareegay 5 magaalo oo waaweyn, wuxuuna duulaankan qeyb ka yahay ololaha kooxdaasi ugu jirto inay gacanta ku dhigto inta badan gobalada dalkaasi.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/08/Talibanka-Kunduz-090821-2.jpg)
Magaalooyinka ugu muhiimsan oo ay Axadii shalay la wareegeen ayaa waxaa kamid ah Kunduz, Sar-e-Pul iyo Taloqan magaalooyinkaasi oo ah caasimadaha sadexdda gobala ee u gacan galay kooxda Talibanka.
Horseed Media