Afti dadweyne oo maanta ka dhaceysa dalka Tunisia

Published: July 25, 2022

Shacabka dalka Tunisia ayaa Isniinta maanta u codeynaya afti loo qaadayo dastuur cusub oo dalkaasi uu yeelan doono, hal sano ka dib markii dowladda dalkaasi ay xaalad degdeg ahi ku soo rogtay dalka.

Madaxweyne Kais Saied ayaa dadka reer Tunisia ka codsaday inay ansixiyaan dastuurka, balse dadka dhalleeceeya dowladdiisa waxay ka cabsi qabaan in natiijada ka soo bixi doonto ay wiiqdo dimoqraadiyaddii ka dhalatay kacdoonkii Tunisia ee sanadkii 2011.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa u ololeeya arrimaha dimoqraadiyadda ayaa waxay u arkaan dastuurka cusub mid awoodda dalka oo dhan u gacangelinaya Madaxweynaha.

Inta badan xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay codeynta dastuurka cusub, oo aan natiijadiisa la garanayn goorta ay soo bixi doonto. Mucaaradku ma filayaan in dad badani ay soo baxaan, balse uu dastuurku heli doono codad ku filan.

Aftida maanta ayaa ku soo aadaysa, iyadoo hal sano laga jooggo, markii Madaxweyne Kais uu kala diray Baarlamaankii la soo doortay, dalkana uu ka hirgeliyay dowlad ku shaqeysa xaaad degdeg ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *