Akhriso qodobada la donaayo in wax laga beddelo dastuurka Puntland!

Published: June 19, 2023

Guddiga ka soo talo bixinta wax ka beddelka dastuurka, ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah ay Barlamaanka u jeediyaan warbixin la xiriirta wax ka beddelka dastuurka, haddii aan jadwalku isbedelin.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood, waxaa magacaabey shir-guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland 6 bishii Maajo 2023, kadib markii xukuumaddu soo jeedisey, qaar kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland ayaa Horseed u sheegay in magacaabistaasi ay ahayd mid sharciga baal marsan, waxayna ahayd in hindise sharciyeedka marka loo soo gudbiyo kalfadhiga baarlamaanku ay ka doodaan, kadibna guddiga ka soo talo-bixinta la magacaabo kalfadhiga oo furan.

Xog ay Horseed Media heshey ayaa shegaysa in guddiga ka soo talobixintu ay Baarlamaanka soo hordhigayaan qodabadan:

Wax ka beddelka qodobada 46aad, 64aad iyo 113 ee dastuurka kuwaas oo la xiriira tirada xisbiyada, doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo dhismaha guddiga doorashooyinka ee Puntland.

Sidoo kale waxay soo jeedinayaan in dastuurka lagu daro musharixiinta Xildhibaanadu in ay ka maan karaan Xisbiyada iyo kuwo iskood u tartama oo madaxbanaan, Madaxweynaha iyo ku-xigeeenku ay la midyihiin oo ku imaan karaan nidaamka xisbiyada iyo kuwo ka madaxbanaan.

Wax ka beddelka Dastuurka ayaa la doonayaa in uu maro waddo sharci ah, oo ay ka mid tahay wadatashi dadweyne, dood golaha wakiilada ah waana inaysan ka yaraan muddo 30 maalmood ah, waxaase dood ka taagan tahay in doonitaanka hadda ay tahay mid damac siyaasadeed uu weheliyo, taas oo dhib weyn ku ah in dastuurka in uu noqdo wax qof tuurta isaga qaadan karo sida uu jecel yahay iyo marka u rabo ka dhigan karo.

Xeer hoosaadka golaha wakiilada Puntland ayaa qaba in hindise sharciyeedka uga yimaada xukuumaddu uu maro ilaa saddex akhris:

  • Akhrinta kowaad ayaa dhamaaneysa marka hindisaha qabyada ah lagu wareejiyo guddiga u xilsaaran, taas oo aanba dhicin ee la dhisey guddigii iyada oo aan hindisihii Xildhibaanada loo akhrin.
  • Akhrinta labaad ayaa dhacaysa, marka guddigu soo sameeyo wadatashi, qaybaha ay khuseyso.
  • Akhrinta saddexaad waxaa loo gudbayaa marka guddigu soo dhameeyo warbixintiisa, kadib ayaa goluhu go’aan ka gaarayaa.

Haddaba haddii muddo xileedkii goluhu gabaabsi yahay, waxa keliya ee Puntland ay haysatey ay ahayd dastuur iyo in shantii sanoba hal mar la is doorto taas oo aan ka dhicin Soomaaliyada kale, ayaa la is weydiinayaa Xukuumaddu mala noqon doontaa hindisahan, golaha wakiiladuse ma mari doonaan waddo sharci ah oo waafqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka, mise wax ka beddelka dastuurka waxa uu noqon doonaa mid dhaqaale lagu qaato isla maalin-gelikeedna lagu dhamaystiro.

Horseed Media