Al-Shabaab oo weerar culus ku qaadey degmada Ceel Dheer

Published: June 8, 2024

Wararka ka imaanaya degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in uu halkas ka dhacay dagaal culus kadib markii malayshiyaadka al-Shabaab ay dhawr jiho ka soo weerareen.

Al-shabaab oo sheegtay weerarka  ayaa warbaahintooda ku sheegay in ay weerar ku qaadeen xerooyinka ciidamada dawladda ee ku yaala magaaladaas, laakiin sheegashadan si madax banaan looma xaqiijin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarkan ‘jab xooggan’ ugu geystay Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay warbaahinta dowladda.

“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.

Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga.

Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ayaa hore Al-Shabaab uga qabsaday magaalada Ceel-Dheer bishii Janaayo 2023-kii, xilligaas oo ay socdeen howlgallo ciidan.

HORSEED MEDIA