Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ciidanka dowladda federaalka ee Cawsweyn

Published: August 26, 2023

Malayshiyaadka al-Shabaab ayaa weerar ku bilowdey ismiidaamin ku qaatey saldhig ciidanka dowladda federaalku ka samaysteen deegaanka Cawsweyn ee koonfur uga beean Ceelbuur qiyaastii 80km.

Qoraal ka soo abxay malayshiyaadka al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen 180 askeri oo maxaabiis ahaan u kaxaysteen, sidoo ale ay gacanta ku dhigeen agabkii yaaley saldhigga ee lahaa hub iyo gaadiidba.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyada oo maaintii shalay malayhiyaadka al-Shabaab ay ka baxeen degmada Ceelbuur, halkaasna ay galeen ciidanka dowladdu.

Warbaahinta Dowladda federaalka ayaa sheegtey in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerar gaadmo ah o lagu soo qaadey saldhigga Cawsweyn.

Si kastaba a ahaatee warar madaxbanaan ayaa sheegaya in malayshiyada al-Shabaab ay u suurta gashey in ay saldhigga qabsadaan laakiin aan la aqoon ilaa hadda khasaaraha ay geysteen kadib markii ay laba qarax oo waaweyn ku weerareen.

Horseed Media