Alshabaab oo iska fogeysay in ay ka dambeysay dilka Ikraan Tahliil

Published: September 3, 2021

Kooxda Al-shabaab ayaa beenisay in ay ka dambeeyso Afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsanayd Sirdoonka Soomaaliya xili Hay’adda NISA ay sheegtay in ay u gacan gashay Al-shabaab ayna dileen.

War qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah ayna la fajaceen sida lagu yiri War kasoo baxay Alshabaab.

“Kama dambeyn waxbana kama ogin dilka iyo afduubka Ikraan Tahliil, la yaab ayuuna nagu noqday warka ka soo baxay taliska NISA”

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay sheegtay in muddo bilo ah oo nolol iyo geeri la la’aa Ikraan Tahliil ay afduubteen isl markaana dileen Al-shabaab sida ay sheegeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *