Aqalka Sare ee DFS oo ka doodaya sharcigga Doorashooyinka.

Published: February 1, 2020

Maanta oo sabti ah Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya  waxa ayna ka doodi doonaan Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal oo horyaala golaha aqalka sare iyadoo horay ay usoo ansixiyeen golaha aqalka hoose.

Dooda ay maanta yeelanayaan Senatarada Aqalka Sare ay ka yeelanayaan sharcigaan ayaa ah mid adag, waxaana la filayaa in kulanka maanta uu qaato saacado badan, marka loo eego qodobada qaar ee sharcigan oo la isku haayo. sidoo kale goluhu uu aad ugu kala aragti duwan yahay.

Sharcigan oo todobaadyadii la soo dhaafay loo saaray Guddi ka baaraan-daga si ay dib u eegis ugu sameeyaan, ayaa maalintii Arbacadii dib ugu soo celiyay Golaha, si loo ambaqaado akhrinta labaad, isla markaana laga doodo.

Horseed Media 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *