Aqalka-Sarre oo ansixiyay Sharciga doorashooyinka.

Published: February 8, 2020

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal, Sharcigaan waxaa horay usoo ansixiyay Golaha aqalka-hoose ee Baarlamaanka.

Golaha Aqalka-Sarre ayaa mudooyinkii danbe sharcigaan ka lahaa dood adagg, Guddoomiyaha Guddiga KMG ee ka soo baaraan-dagiga sharciga doorashooyinka Senator Maxamed Amiir Sheekh Cusmaan ayaa Golaha ka hor akhriyay sharcigan wixii ay ka soo baaraan dageen oo ay turxaan bixin ku sameeyeen.

Dood kaddib ayaa waxaa cod loo qaaday sharciga, waxaana ansixiyay 27 senatar oo ogolaaday sharciga, halka 6 ay diiday, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay, Kulanka maanta uu Aqalka sare ku ansixiyay sharcigan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay wehliyeen Kuxigeenadiisa 1aad iyo labaad ee Golaha.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *