Aqoonyahan Axmed Faarax oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax xildhibaan Puntland 2024

Published: November 8, 2023

Axmed Faarax Mohamed oo ka mid ah Aqoonyahanka Puntland ayaa magaalada Qardho ku qabtay munaasabad qado-sharaf ah oo ku shaacinayay hankiisa la xariira musharaxnimada xildhibaan ka tirsan Puntland sanadka 2024.

Waxaaa kasoo qayb-galay miida iyo haldoorka gobolka Karkaar oo ay horumuud u yihiin gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Said Osman, Xildhinaanada golaha deegaanka Qardho, Gudoonka dalada dhalinyarada gobolka karkaar, Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiin, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Axmed Faarax ayaa soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed iyo waxa uu doonayo in uu qabto, waxa uu si qoto-dheer uga waramay xildhibaanka iyo mataalaada laga doonayo, baahiyaha jira iyo sidda uu wax uga qabanayo iyo qodobo kale oo la xariira xagga siyaasada, dhaqaalaha, Amnigga iyo adeegyada bulshada.

Axmed waxa uu sheegay in uu u sharaxanyahay noockasta oo doorasho ah hadii la aado hal qof iyo hal cod iyo hadii lagu laabto hanaaankii hore ee 66da ahaa.

Ka qayb-galayaasha kulanka ayaa si wayn u taageeray soona dhaweeyay musharaxnimada Axmed Faarax, waxay sheegeen in uu yahay nin dhalinyaro ah aqoon leh, mudo u adeegyay dadkiisa maantana mudan in kursigaas la siiyo, haday doorasho noqotana loo codeeyo labadaba.

Horseed Media