Armenia oo gurmad ka dalbatay Ruushka

Published: October 31, 2020

Raysalwasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa maanta oo Sabti ah codsigan u diray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Dowlada Armenia oo ay maalmihii lasoo dhaafay khasaaro baaxadleh kasoo gaartay dagaalka ay kula jirto ciidamada Azerbaijan ayaa hada soo saartay baaqan ay gurmadka deg deg ah uga dalbaneyso Dowlada Ruushka oo uu kala dhaxeeyo iskaashi Militari.

Ciidamada Azerbaijan ayaa la wareegay qeybo badan oo kamid ah dhulka ku hareeraysan gobalka la isku heysto ee Nagorno-Karabakh oo ay horey gacanta ugu heysay Armenia, dhulkaasi oo loo aqoonsan yahay wadanka Azerbaijan ayaa dadka degen asal ahaan kasoo jeedaan Armenia.

Waxaa todobaadkan burburay xabad-joojintii sadexaad ee labada dhinac la dhex dhigay, kadib markii Azerbaijan ay ku eedaysay ciidamada Armenia inay ka danbeeyeen duqeyntii lala beegsaday Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Barda ee wadanka Azerbaijan oo ay ku dhinteen dad badan.

Ruushka oo heshiis militari kala dhaxeeyo Armenia ayaa sidoo kale xiriir wnaaagsan lalahe Azerbaijan, wuxuuna Putin ka gaabsaday illaa iyo hada inuu faraha lasoo galo dagaalkan, Armenia ayaa ku doodeysa in Azerbaijan ay taageero militari ka helayso Turkiga iyo waliba maleeshiyaad laga keenay dalalka Carabta waa siday hadalka u dhigeenee.

Cabdirisaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *