Askar ka tirsan Ccidanka Maraykanka oo lagu waayey biyaha Soomaalya ayaa la xaqiijiyey dhimashadooda

Published: January 22, 2024

Milateriga Mareykanka ayaa soo afjaray howlgal 10-maalmood qaatay oo ahaa baadigoobka iyo badbaadinta labo askari oo Navy SEALs ah oo 11-kii Jannaayo lagu waayay biyaha Soomaaliya, waxaana hadda loo maleynayaa inay dhinteen, sida lagu sheegay war cusub oo kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka. .

“Waxaan ka baroor-diiqeynaa khasaaraha naga soo gaaray labadayada askeri ee ka tirsan ciidamada badda ee gaarka ah, waxaanan weligeen xushmeyn doonnaa naf-hurnimadooda iyo tusaale ahaan. Waxaan arab taagan nahay qoysaska SEALs, asxaabta, ciidamada badda Mareykanka iyo dhammaan bulshada howlgallada gaarka ah inta lagu guda jiro waqtigan,” sidaas waxaa yir Gen. Michael Erik Kurilla, oo ah taliyaha CENTCOM

Saraakiisha Milateriga ayaa sheegay in Mareykanka, Japan iyo Spain ay isticmaaleen dhamaan awoodooda cirka iyo badda ayna “ka raadiyeen in ka badan 21,000 oo mayl laba jibaaran” SEALs-ka maqan.

Labada askari ayaa la sheegay in la waayay kadib weerar habeenimo ah oo lagu qaaday dooni laga lee yahay dalka Iran oo maraysey biyaha Soomaaliya kaas oo la aaminsan yahay in ay wadey hub iyo rasaas 11-kii Jannaayo.

Intii uu hawlgalka socday, hal askari oo katirsan ciidanka badda Maraykanka ayaa ku dhacay biyaha badda, mid labaad ayaa raacay isagoo isku dayayay inuu soo badbaadiyo.

Horseed Media