Askar lagu diley qarax ka dhacay Afgooye

Published: January 24, 2017

Subaxnimadii hore ee maanta oo Salaasa ah ayaa qarax xooggan ka dhacay goob fariisan u ahayd ciidanka federaalka Soomaaliya oo ku taala degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan askeri ay qaraxa ku geeriyoodeen qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Afgooye ayaa warbahinta Dowladda u sheegay in qaraxu ahaa miinu lagu aasey goobta saldhigga u ahayd ciidanka.

Al-shabaab ayaa sheegtey in ay fuliyeen qaraxa miinada ah halkaasna ay ku dileen 7 askeri.

Maalintii shalay ayaa laba jeer al-Shabaab soo weerareen degmada Afgooye, waxaana ay ciidanka ka dileen 5 askeri halka iyagana ay ka dhimatey tiro aan la xaqiijin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *