Askar Lagu Laayay Qarax ka Dhacay Shabeelada Hoose

Published: March 1, 2020

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan milateriga dowladda Federaalka ayaa lagu dilay Qarax miino oo lala beegsaday kolonyo baabuur oo maraysay meel u dhow tuulada Warmaxun ee gobolka shabeelaha hoose.

Salaad Xuseen oo ah Sarkaal ka tirsan Milateriga ayaa wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu u sheegay in Kolonyada baabuurta la wareeray xili ay marayay wadada u dhaxaysa Walalweyn iyo afgooye.

Ciidamo dheeraad oo xoojin ah ayaa dowlada federaalku u dirtay goobta uu ka dhacay weerarka loo adeegsaday qaraxa miinada oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen askar kale.

ciidamada dowladda federaalka ayaa muddooyinki u dambeeyay waxay howlgalo milateri ka wadeen gobolada shabeelaha hoose iyo dhexe ee mamaulada hirshabelle iyo koonfurgalbeed ee Somaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *