Askari katirsan ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku toogtay darawal Mooto Bajaaj

Published: February 28, 2023

Askari katirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ugu geystay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto Bajaajle ah.

Marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, iyadoo dilkiisa kadib ciidamadii geystay ay goobta iska dhaqaaqeen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi loo geystay wiilkaas dhalinyarada ahaa.

Dilalkan ayaa ku aadaya xilli xaley isla Magaalada Muqdisho lagu darewal kale oo mooto Bajaaj kadib markii lagu toogtay qoriga loo yaqaan Sabanka.

Horseed Media