ASMARA: Soo Dhowaynta Madaxweyne Xasan Shiikh

Published: July 9, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya, kadib martiqaad afar cisho ah oo uu ka helay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Asmara kusoo dhoweeyey dhigiisa iyo xubanaha kale ee dalkaasi Ereteriya.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo si weyn loogu xasuusto sidii aadka ahayd ee uu u dhaliili jirey dowladaasi ayaa warar hoose sheegayaan inuu socdaalkiisu salka ku hayo qiimeynta xaalada Ciidamadii dhowr sanno kahor tababarka loo geeyay Ereteriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *