Axmed Karaash Oo La Kulmay Safiirka Jabuuti – SAWIRO

Published: September 20, 2020

Madaxweyne kuxigeenka dowlada Puntland ee Soomaaliyeed Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac ee Jabuuti iyo Puntland, iyadoo la iska waraystay xaaladda guud ee dalka.

Dowlada Jabuuti iyo Puntland ayaa leh xiriir wanaagsan, waxayna Jabuuti ka caawisaa arrimo badan oo ay kamid tahay dekeda Garacad oo ay dhowaan shaqaalaha dhismaha dekedaas tababar lagu soo siiyey Jabuuti.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *