Baaritaan: al-Shabaab oo hub iyo rasaas loogu geeyey xabsiga Video

Published: August 19, 2020

Guddiigii loo xil saaray baaritaanka dagaalkii ka dhex dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar ayaa kulan la yeeshay raysalwasaaraha kumeel-gaarka ah Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen.

Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen ogaadey in taariikhdu markey ahayd Agoosto 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana Agoosto 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay maxaabiista al-Shabaab ee gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay dagaal ka fuliyaan. Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto.

Sida uu horey u sheegay Taliyaha ciidanka Asluubta dagaalku waxa uu ka bilowdey Jikada Xabsiga, haddaba waxaa muuqata in adeega jikada hubka la soo geliyeyn oo ay wada shaqeyn ka dhexeysey shaqaalaha Jikada iyo maxaabiista al-Shabaabka.

Dhacdada ayaa loo xiray 27 qof oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto 6 qof oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay dagaalka.

Sarkaal ka tirsanaa al-Shabaab oo lagu magacaabo Mubaarak Ibraahim Iidle ayaa kamid ahaa kuwii xabsiga ka baxsadey isla amrkaana saddex askeri diley, sidoo kale warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in isla hawlgalkaas lagu diley kuwo u xirnaa Qaraxii lagu diley Enj. Yariisow kuwaas oo qaar markhaanti ka ahaayeen sida wax u dheceen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waa dawlad dadka been ku maamusha qofka mas’uulka ee isaga oon wax baari dadka u sheegey ee yiri askari ayaa qori lagu qabsadey waxuu horey u sameeyeyna la ogaa iyo in uu siduu rabo u hadlo maxaa ay noqon doontaa masiirkiisa.