Dowladda Federaalka Oo War Ka Soo Saartay Khasaaraha Weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar

Published: August 10, 2020

Ilaa 10 qof ayaa ku dhintay shaqaaqo galabta ka dhacday Xabsi dhexe ee caasimadda Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan howlgal ay ku doonayeen inay ku soo afjaraan Dagaal hubaysan oo maxaabiista qaarkood ay ku qaadeen ciidamada ilaalada Xabsiga iyagoo toogtay lix kamid ah Maxaabiis weerar ku qaaday ciidamada Ilaalada ee xabsiga dhexe ee Muqdisho sida uu u sheegay afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay dhaawacmeen Lix Maxbuus, 4 maxbuus oo kalena ay gacanta lagu dhigay .Sidoo kale saddex ka tirsan ciidamada Ilaalada xabsiga ayaa ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday xabsiga.

Taliyaha ciidanka Asluubta ee dowladda federaalka General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo goordhawayd hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay shaqaaqadii galabta ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana uu yiri

“Maxaabiistii shaqaynaysay oo gudaha ku jirtay ee raashinka karinayay ayaa qori la qabsaday askari gudaha ku jiray, Dagaal bay bilaabeen oo dhibaato badan bay soo hoysay markii ay gudihii xabad ka bilaabeen, islamarkiiba Askari kale oo kor saarnaa ayay boobsiiyeen waa toogteen, Labadii qori ayay heleen oo ay ku dagaal galeen, khasaaro oo dhaawac iyo dhimasho isugu jirtay ayay Sababeen” Sidaas waxaa yiri taliyaha Ciidamada Asluubta federaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *