Xamse oo mar kale ku celiyey in aan shirarka hay’adaha dowladda lagu qaban karin dalka dibadiisa

Published: April 25, 2024
Shares24

Golaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiyeed ayaa maanta oo khamiis ah isugu yimid shirkoodi caadiga ahaa waxaana shir guddoomiyey raysalwasaaraha xukuumadda Mudane Xasmse Cabdi Barre.

Shirka ayaa looga hadley xaaladda dalka, roobabka, amniga iyo weliba shirarka hay’adaha dowladda.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda goballada dalka, waxa ay dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in la sadaalinaayo in dalka ay ka di’i doonaan roobab keeni kara fatahaado, kuwaas oo sameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyada, waxaana uu soo jeediyey in loo diyaar garoobo.

Golaha Xukuumadda ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan meelaha ku dhaw Wabiyada, meelaha godan, dooxooyinka iyo goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad in ay ka fogaadaan.

Shirka Golaha ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu danbeeyey iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa faray Hey’adaha Dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda.

HORSEED MEDIA