Wasiirka Amniga Gen Fartaag oo Muqdisho uga qaybgalay kulan looga hadlaayey hormarinta Booliska

Published: April 25, 2024
Shares4

Wasiirka cusub ee Wasaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Gen Cabdullaahi Sheekh Ismcaaiil ayaa ka qaybgalay shirka barnaamijka isku-dhafka ee Booliska, waxaa kulanka ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday hay’adaha UNDP Somalia iyo UNPOL, wakiilo ka socday Midowga Yurub u qaabilsan maaraynta xasaradaha rayidka EUCAP Somalia, Midowga Afrika (ATMIS). ).

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP ee Soomaaliya iyo Booliska Qaramada Midoobay (UNPOL) ayaa ku nuux-nuux in waaxda amniga ee xirfadleyda ahi ay muhiim u tahay horumarka mustaqbalka fog ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka u ah xoojinta ciidamada booliiska Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kor u qaadista wada shaqeynta bulshada iyo kor u qaadida xirfaddooda. Kordhinta fursadaha ay haweenka Booliska Soomaaliyeed au ugu adeegi karaan bulshada ayaa ahayd arrin kale oo xoogga la saaray.

“Adeeg booliis oo karti leh oo la aamini karo ayaa aasaas u ah ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo abuurista jawi ku habboon horumarka,” ayuu yiri madaxa UNDP ee Soomaaliya Mr Lionel Laurens. “UNDP waxa ay weli ka go’an tahay in ay taageerto dadaallada dowladda federaalka ah ee dib u habeynta iyo tayaynta laamaha amniga.”

Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska waa hindise dhowr sano ah oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah kaas oo ujeedadiisu tahay in la dhiso adeeg booliis oo ixtiraamaya xuquuqda aadanaha oo ay heli karaan dhammaan dadka Soomaaliyeed. Waxqabadyada waxaa ka mid ah tababaro, bixinta qalabka, horumarinta kaabayaasha, iyo mashaariicda kale ee booliska bulshada.

Wasiir Ismaaciil waxa uu soo dhaweeyay wada shaqaynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah. “Maamulkayagu wuxuu mudnaan siin doonaa dib-u-habaynta laamaha amniga si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo kor u qaadida xirfadda ciidamadeena booliiska,” ayuu yiri. “Waa in aan helnaa adeeg booliis oo ku shaqeeya si hufan, kasban kara kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

HORSEED MEDIA