Puntland oo loo fasaxayo $20 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda?

Published: April 25, 2024
Shares56
Puntland coat

Bangiga adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa bixinaayey sanadihii u danbeeyey malaayiin dollar oo loogu tala galay in lagu kabo miisaaniyadda Soomaaliya, bishii Diseember ee sanadkii la soo dhaafey hay’adda IMF keliya ayaa ansixisey $100 milyan oo ah kabka miisaaniyadda Soomaaliya.

Dhaqaalaha lagu taageero miisaaniyadda dalka ayaa la soo mariyaa dowladda federaalka ah, maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyaa in ay siyaasadeeyeen dhaqaalaha caalamku ku taageero Soomaaliya, taas oo keentey in Puntland aysan helin taageerada kabka miisaaniyadda, hormarinta mashaariicda dadku u baahan yahay iyo weliba gargaarka bini’aadnaimo ee lagu soo qaado magaca Soomaaliyeed.

Booqashadii Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ee Washington ee shirka loogu yeero kulanka gu’ga (spring meetings) ku tegey todobaadkii hore ayuu kala kulmey weji-gabax kadib markii lagu canaantey in dowladdiisu ay sida hubka u isticmaashey dhaqaalaha dalkiisa la siiyey oo ay siyaasadeeyeen kabka miisaaiyadda iyo weliba masharciida hormarineed. Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa loo sheegay in dhaqaalihii hore loo bixiyey aan la sameyn xisaab celin lagu qanci karo sidaas darteed wax laga beddelo siyaasadda ku dhisan go’doominta ee aan loo dhameyn, haddana aysan jiri doonin mashaariic cusub oo la soo fasaxayo.

Haddaba si loo qanciyo beesha caalamka isla markaana la isaga tiro weji-gabaxa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalku kala soo kulmey Washington ayaa maalintii shalay ee Arbacada waxaa warsaxaafadeed soo saarey Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uga hadley xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, inkasta oo ujeedku ahaa Puntland oo si gaar ah war-saxaafadeedka loogu xusay. Sida Horsed Media fahamsan tahay warka ka soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yimid kadib markii loo sheegay sida uu wax u wado inaysan u soconeyn, waxaana lagu cadaadiyey in aanu hub siyaasadeed u isticmaalin dhaqaalaha dalka la siiyo ee uu gaarsiiyo dalka oo dhan gaar ahaan Puntland.

Haddaba dhaqaalaha Puntland kaga xaniban dowladda federaalka ayaa gaaraya malaayin dollar oo isugu jira kabka miisaaniyadda (budget support) iyo hormarinta mashaariicda.

Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in Puntland ay hesho dhaqaalaha beesha caalamku ugu tala gashey ee kabka miisaaiyadda.

Dhanka kale waxaa Puntland iyo Dowladda federaalka ah laga codsadey in ay miiska wada fariistaan oo la xaliyo khilaafka jira.

HORSEED MEDIA